Madaxweynaha Koonfur Galbeedoo muddo kordhin loo sameeyay

Madaxweynaha Koonfur Galbeed,  Cabdcasiis xasan Maxamed, Laftagareen

Barlamaanka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa muddo kordhin hal sano ah u sameeyay Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya C/casiis xasan Maxamed  Laftagareen.

87 xildhibaan oo maanta kulanka soo xaadirtay ayaa si gacan taag ah isugu raacay in muddo xileedka Madaxweynaha iyo Barlamaanka hal mar wakhtigooda ku egyahay oo ay isla dhacayaan.

Mudanayaasha Baarlamaanka Koonfur Galbeed

Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa mudadii la doortay waxaa ka soo wareegatay sanad iyo dhowr bilood balse afartiisa sano iyo tan barlamaanka ayaa la is waafajiyey.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email