Madasha Xisbiyada Qaran oo Bogaadin u Jeediyay Maamuladda Jubbaland iyo GalMudug

Madasha Xisbiyada Qaran ayaa soo dhoweeyay heshiisyada siyaasadeed ee ka dhacay Maamulada Galmudug iyo Jubbaland oo heshiisyo waaweyn ku gaareyn maamulka dowladd gobaleedyada iyo mucaaradka ka soo jeeda labada maamul, iyagoo sidoo kal baaq u jeediyay dowladda Federaalka ah inay ku dayato maamuladaas, lana heshiiso maamul goboleedyada dalka ka jira.

War saxaafadeed ka soo baxay madasha Xisbiyada Qaran ayaa lagu hambalyeeyay heshiiskii siyaasadeed ee ay gaareen Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor iyo Madaxweynihii hore ee Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo lagu soo afmeeray khilaafkii ka dhashay doorashadii ka dhacday Dhuusamareeb bishii Febraayo 2020.

Sidoo kale Madasha ayaa waxay soo dhoweysay heshiiskii shalay ay ku gaareen magaalada Nairobi Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe iyo Xubnaha Golaha Is bedel doonka, ee lagu soo gabogabeeyay khilaafkii ragaadiyay doorashadii Jubbaland ka dhacday Agosto 2019.

Madasha xisbiyad ayaa si weyn ugu baaqday dowladda dhexe inay ku dayato dadaalada heshiisiinta siyaasadeed ee ka socda dalka, lana heshiiso dowlad goboleedyada si loo gaaro xasilooni siyaasdeed loo dhan yahay.

Halkaan Hoose Ka Aqriso Warsaxaafadeedka Madasha.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email