Madasha Xisbiyada Qaran oo Baaq soo Saray

Madasha Xisbiyada Qaran ayaa soo saaray kuu aadan xaladaha colaadaha ee dhawaantan ka soo cusboonaaday deegaano ka mid ah maamul goboleydyada KOONFUR GALBEYB, JUBALAND & GALMUDUG. kuwaas oo u dhexeeyo beelo walaalo ah.

Madasha Xisbiyada Qaran ayaa carabka ku adkeyey in waqti xaadirkan uusan marnaba laga fileyn dadka walaalaha ah in ay colaad ku salaysan aanooyin qabiil dhexdooda ka dhacaan.

Madasha ayaa sheegay ayaa ku baaqday in si deg deg ah loo joojiyo dagaalada loona guntado sidii dib danbo aysan colaadahan oo kale u soo noqon. Waxayna madashu sidoo kale ugu baaqday madaxda maamul goboleydyada in ay guntiga dhiisha ugu ritaan sidii xal waaro looga gaari lahaa colaadahan oo asalkoodu ka soo bilaawday dhulal laysku haysoto.

Baaqa madashu ka soo saartay colaadahan dib uga soo bilaawday deeganada KOONFUR GALBEYD, GALMUDUG & JUBALAND una dhexeyso dad walaal ayaa ku soo beegmatay xili aad iyo aad muhiim u ah oo loo baahan yahay in dhamaan loo sara kaco sidii loo joojin lahaa dhiiga dadka walalaha ah ee qubanaayo

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email