Fanaankii Weynaa Cumar Shooli oo Muqdisho ku Geeriyooday

Cumar Cabdulle (Cumar Shooli), oo Loo Garan Ogyahay Madaalaha Hobollada Waaberi Ayaa Muqdisho Ku Geeriyooday

Allaha u naxariistee waxaa caawa magaalada Muqdisho ku geeriyooday Fanaankii weynaa ee Soomaaliyeed Cumar Cabdulle (Cumar Shooli), oo loo yaqiinay Madaalaha Hobollada Waaberi.

Cumar Shooli ayaa ka titsanaa kooxda fanaaniinta Qaranka ee Hobollada Waaberi, waxuuna maalmihii lasoo dhaafay Fanaanku ku xanuunsanayey magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Marxuumka ku geeriyooday ayaa ku geeriyooday isbitaalka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, oo maalmihii u dambeeyay lagu dabiibayey .

Ehellada Allaha u naxariistee Fanaanka oo maalmo ka hor warbaahinta la hadlay ayaa dowladda Soomaaliya ku eedeeyay in ay dayacday Fanaankan oo ka tirsanaa kooxda fanaaniinta Qaranka ee hobollada Waaberi.

Madaalihii Hobolada Waaberi Cumar Shooli ayaa dhowaan ka soo muuqday mid ka mid ah telefishinada, isagoo ka hadlayay xaaladiisa, waxaa uu sheegay in aysan dowladda waxba u qaban, isagoo ahaa Fanaan qaran.

Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir ayaa soo saaray tacsi, isagoo afka dowladda ku hadlayay, waxaana uu sheegay inuu geeridiisa uga tacsiyadeynayo eheladiisa, hobolada waaberi iyo dhammaan umadda Soomaaliyeed.

Allaha u naxariistee Cumar Shoole ayaa ahaa Fanaan si weyn looga yaqaanay, isagoo ku luqeeyay heeso kala duwan, waxaana uu ka mid ahaa tiirarkii Hobolada Qaranka Waaberi, waxaana u baxday naaneysta Madaalaha Hobolada Waaberi.