Laacibkii hore ee Kubadda Koleyga Soomaaliya oo xalay ku geeriyooday London

AUN Eng Baana Cabdalla Cali, Madaxii xiriirka Caalamiga ee Xiriirka Kubadda Koleyga Soomaaiya.

Waxaa  Magaalada london ee dalka Ingiriiska ku geeriyooday Alle ha u Naxariistee Madaxii xiriirka Caalamiga ee Xiriirka Kubadda Koleyga Soomaaiya Eng Baana Cabdalla Cali oo maalmahaan la xanuunsanayey cudurka Covid-19.

Allaha u naxariistee Baana Cali ayaa ahaa Madaxii Suuqgeynta Xiriirka Kubadda Koleyga ee Bariga iyo Bartamaha Yurub.

Wasiirka Dhalinyarada iyo Isboortiga Xukuumadda Soomaaliya Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa ka tacsiyadeysay geerida Marxuum Baana Cali.

“Aniga oo ku hadlayo magaceyga iyo kan dowladda Soomaaliya waxaan ummadda Soomaaliyeed ugu tacsiyadeynayaa geeriddii naxdinta laheyd ee ku timid halyeeygaasi qaran,si gaar ah waxaan tacsi ugu dirayaa ehelkii iyo asxaabtii uu ka baxay. Allaha ha ugu deeqo mid ka mid jannooyinkiisa, kitaabkiisa midigta Allaha ka siiyo. Aamiin Aamiin”ayay tiri Khadiijo Maxamed Diiriye.

Dhanka kale bulshooyinka qeybaheeda kala gedisan ee ku dhaqan cariga dibada iyo dalka gudahiisa ba ayaa ayaa si aad ah uga hadleen geerida laacibkii hore ee Kubadda Koleyga Soomaaliya Baana Cali Cabdala iyagoo alle uga baryey in uu naxariistii jano siiyo.