Jidadka Muqdisho oo laga buufinayo cudurka Covid-19

Guddoomiyaha gobolka banadir (Cumar Filish) ayaa daah furay ololihii ugu horeeyay ee lagu buufinaayo sunta ka hortaga faafinta cudurka Covid-19 oo si adag u saameeyay caalamka.

Booyada siday sunta looga hortago cudurka faafa ee Coronavirus ayaa lagu buufinayay qaar kamid degmooyinka gobolka Banaadir, waxaana ololahaani daah-furkiisa goob joog ka ahaa guddoomiye ku-xigeenada maamulka gobolka Banaadir.

Guddoomiye ku-xigeenka arrimaha bulshada ee gobolka Basma Caamir ayaa sheegtay in buufinta suntan ee laga bilaabay waddooyinka ay gaarsiin doonaa suuqyada iyo goobaha kale ee muhiimka ee dadka isugu tagaan.- Advertisement –

Shacabka ku dhaqan caasimadda ayay ugu baaqday inay ka qayb qaatan buufinta waddooyinka magaalada Muqdisho si looga wada hortego faafida cudurka aduunka oo dhan sameeyay ee COVID-19.

Maamulka gobolka Banaadir ayaa sheegay in buufinta sunta ee waddooyinka ay sii socon dooto inta uu jiro bandowga dowladda federaalka Soomaaliya xiliga habeenkii ah ay ku soo rogtay Muqdisho si looga hortago faafida cudurka Coronavirus.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email