Ilhaan Cumar ayaa si kulul u cambaareeyay ficilada dowladda Soomaaliya

Dowladda Soomaaliya waa inay sida ugu dhaqsiyaha badan u joojiso handadaada ka dhanka ah xoriyadda hadalka iyo saxaafadda.”– Ilhaan Cumar

Ilhaan Cumar oo ka tirsan Aqalka Congress-ka dalka Mareykanka ayaa gaashaanka u durruurtay dowladda Soomaaliya oo mudooyinkii dambe caga judleyn iyo caburin ku heysay wariyaasha iyo warbaahinta Soomaaliyeed. Ilhaan aad u dhaliishay hanjabaada iyo xadgudubka Suxufiyiinta lagu haayo, iyadoo soo hadal qaaday xarigii Wariye Cabdicasiis Gurbiye iyo dacwadii NISA ka gudbisay Wariye Haaruun Macruuf oo ka tirsan Idaacada VOA.

Qoraal ay soo dhigtay barteeda Twitter-ka ayay Ilhaan Cumar ku sheegtay in ololaha cabsi gelinta iyo hanjabaada ay NISA ku heyso Wariye Haaruun Macruuf uu yahay mid aad looga naxo oo aan la aqbali karin.

“Weeraradan, oo ay weheliso xarigii 14-kii Apriil ee Cabdicasiis Axmed Gurbiye isagoo ka hadlaya saameynta COVID-19 ee Soomaaliya, ayaa ah xadgudub aan la aqbali karo oo ku saabsan xuquuqda aasaasiga ah ee xuquuqda aadanaha”ayay tiri Ilhan Cumar.

Ilhaan ayaa sheegtay in dowladda Dhexe ee Soomaaliya ay sanadihii u dambeeyay ay qaaday tallaabooyin muhiim ah, iyadoo xustay inay u ololeysay deyn cafinta Soomaaliya iyo tallaabooyin kale oo gacan ka geysanaya sii wadidda horumarka, balse waxa ay tilmaamtay dhibaatada sii kordheysa ee cabsi gelinta iyo xarigga suxufiyiinta ay ka mid yihiin Harun Macruf iyo C/casiis Gurbiye ay khatar ku yihiin horumarkaas.

Waxaa ay ugu baaqday dowladda Soomaaliya inay sida ugu dhaqsiyaha badan u joojiso weerarada ka dhanka ah xoriyadda hadalka iyo xoriyadda saxaafadda.

Ku xadgudubka iyo xayiraada xorriyada hadalka ee saxaafada ku heyso Dowladda Soomaaliya ayey eedeymo iyo cambaareyn kala duwan kala kulantay dowladdo iyo ururo caalami ah, kuwaas oo tixgeliya xorriyada hadalka iyo saxaafada.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email