Halgamaa Cabdulqaadir Cali oo SYL ka mid ahaa ayaa ku Geeriyooday London

Halgamaa Cabduqaadir Cali Maxamed (Boolaay) oo SYL ka mid ahaa.

Magaalada London ee dalka Ingiriiska ayaa maanta waxaa cudurka halista ah ee Coronavirus ugu geeriyooday muwaadin Soomaaliyeed oo kamid ahaa odayaashii lasoo shaqeeyay Ururkii Dhallinyarada SYL.

Allaha u naxariistee marxuumka ayaa lagu magacaabi jiray Dr Cabduqaadir Cali Maxamed oo ku magac dheeraa Boolaay oo maalmihii lasoo dhaafay la xanuunsanayay cudurka Coronavirus oo kusii faafaya caalamka oo dhan, isla markaana ay u geeriyoodeen in ka badan 40 kun oo qof.

Geerida Dr Cabdulqaadir Cali Boolaay ayaa waxaa xaqiijiyay qaar kamid ah Eheladiisa, waxaana marxuumka uu kamid ahaa dadka farakutiriska ah ee ka noo Odayaashii lasoo shaqeeyay Ururkii Dhallinyarada SYL.

Dalka Ingiriiska ayaa cudurka Coronavirus waxaa ugu geeriyooday dad badan oo Soomaali ah oo uu kamid yahay Ra’iiusl Wasaarihii hore ee Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen Nuur Cadde oo maalmo kahor geeriyooday.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email