Guriga Sheekh Shariif oo ay Rasaas ku Fureen Ciidamda Dowladda Soomaaliya “Sawirro”

Xisbiga Himilo Qaran ayaa ka hadlay ciidamo ka tirsan kuwa Booliska oo rasaas ku furay difaaca koowaad ee laga ilaaliyo Guriga Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ka degen yahay magaalada Muqdisho.

“Gaari ay leeyihiin ciidanka Booliska oo Namberkiisu yahay POL 318 uu rasaas ku furay difaaca 1aad ee laga ilaaliyo guriga uu degan yahay Madaxweynihii hore Sheekh Shariif, iyadoo Ciidamada ilaalada ka ah guriga ay muujiyeen mas’uuliyad.”ayuu yiri Cabdinaasir Maxamed Sheekh Nuur.

Dhowaan ayaa sarkaal u hadlay Madasha Xisbiyada qaran waxa uu sheegay in dowladda Soomaaliya ay Ciidamo ku hareereysay Guriga Shariif Sheekh Axmed, balse dowladda Soomaaliya ayaa beenisay.

Hase yeeshee, warkan haatan ka soo baxay Madasha Xisbiyada ayaan weli ka hadlin Maamulka Gobolka Banaadir iyo Taliska Booliska Soomaaliyeed.

Waxii ku soo kordho kala soco Xorriya.com

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email