
Guddoomiye Ku xigeenka cusub ee Hawlaha Guud Maamulka Gobolka Banaadir Mudane . Cumar Cali Cabdi ayaa xilka kala wareegay Guddoomiye ku xigeenkii hore Mudane . Aadan Shiikh Cali Fiidow.
Munaasabada xil wareejinta oo ka dhacday Xarunta Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane . Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish).
Sidoo kale waxaa munaasabada ku sugnaa qaar ka mid ah Guddoomiyaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir iyo Masuulyiin kale oo ka tirsan Gobolka.
Halkaan Ka Daalaco Sawiro Xil Wareejinta;