Guddoomiye Cumar Filish oo Guryahooda Ku Booqday Qoysaskii Ay Ka Baxeen 2dii Muwaadin ee Dilka Loo Geystay

“Dhawaan Ayaa Sharciga La Horkeeni Doono Askarigii Dilka Geestay.”- Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish).

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa guryahooda ku booqday qoysaskii ay ka baxeen Allaha u naxariisto labadii marxuum oo midka mid ah ciidanka booliiska si sharci darra ah ku dilay in kastoo dowlada Soomaaliya ay gacanta ku dhigtay gacan ku dhiiglihii dilkaas geestay.

Duqa magaalada Muqdisho ayaa qoysaskii uu la kulmay u sheegay in maamulka gobolka Banaadir uu ka faala qaaday nolashooda, islamarkaana dhawaan sharciga la horkeeni doono askarigii dilka geestay.

Guddoomiye Cumar Filish ayaa uga tacsiyadeeyay labada qoys ee carruurtooda sida gardarada loo diay, waxaana uu kafaala qaaday nolosha labada qoys.

Sidoo kale Guddoomiyaha ayaa sheegay in sharciga la horgeyn doono askarigii dilka geystay, waxaana uu xusay in aanay ka hari doonin illaa cadaalada ay uga hubsanayaan, isla markaana goobjoog ka noqonayaan maxkamadeynta askarigaas.

Allaha u naxiiriise, Labada Marxuum ee la dilay ayaa waxaa lagu kala magacaabi jiray Madiino Cabdullaahi Cabdi oo 17 jir ah iyo Xasan Cali Cadaawe 24 jir ah, kuwaasi oo u geeriyooday rasaas looga dhuftay qeybaha sare ee jirka.

Halkaan Ka Daalaco Sawirada;

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email