Guddoomiya gobalka Banaadir oo tacsi ugu tagay ehelada labadii qof ee la dilay

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa caawa guryahooda ku booqday qoysaskii ay ka baxeen Allaha u naxariisto Madiina Cabdullaahi Cabdi iyo Xasan Cali Cadaawe oo si sharci darra ah lagu dilay in kastoo dowlada Soomaaliya ay gacanta ku dhigtay gacan ku dhiiglihii dilkaas geestay.

Guddoomiye Cumar Filish ayaa uga tacsiyadeeyay labada qoys ee carruurtooda sida gardarada loo diay, waxaana uu kafaala qaaday nolosha labada qoys.

Sidoo kale Guddoomiyaha ayaa sheegay in sharciga la horgeyn doono askarigii dilka geystay, waxaana uu xusay in aanay ka hari doonin illaa cadaalada ay uga hubsanayaan, isla markaana goobjoog ka noqonayaan maxkamadeynta askarigaas.

Labada Marxuum ee la dilay ayaa waxaa lagu kala magacaabi jiray Madiino Cabdullaahi Cabdi oo 17 jir ah iyo Xasan Cali Cadaawe 24 jir ah, kuwaasi oo u geeriyooday rasaas looga dhuftay qeybaha sare jirka.

 Dilkii xalay ka dhacay degmada Boondheere ayaa dhaliyay xiisad iyo banaan baxyo rabshado watay oo taayaro lagu gubay, kaasoo xalay illaa saaka ka dhacay qeybo ka mid ah Xaafadaha Boondheere iyo Shingaani

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email