“Garoonka ciyaaraha ee Muqdisho ma ahan goob loo cayimay xarunta karantiilka dowladda” Wasiir Khadiijo Diiriye

Khadiija Maxamed Diiriye Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha ee DFS

Cudurka faafida og ee loo yaqaano Coronavirus oo bilhii aan ka soo gudubnay iyo haatanba ayaa fara ba’an ku haayay dowladda dunida oo idil loona caal waayay.

Wasaaradda Caafimaadka xukuumada Federalka ayaa sheegtay in laga helay gudaha Soomaaliya 7 kiis oo ah cudurka Coronovirus dadka qaba caabuqaan ayaa isugu jira ajaaniib iyo Muwaadiniin Soomaaliyeed ka soo yimid dalka dibadiisa.

Wasiirka Dhalinyarada iyo Isboortiga Xukuumadda Soomaaliya ayaa ka hor-timid qorshe la doonayo in garoonka ciyaaraha ee Stadium Muqdisho ay noqoto goob lagu karantiilo dadka looga shakiyo cudurka Coronavirus.

Wasiir Khadiijo ayaa qoraal ay soo dhigtay barteeda Facebook waxay ku sheegtay in aysan ka yeelli doonin in Garoonka Cayaaraha Muqdisho noqoto goob loo cayimay xarun karantiil.

“Ka yeeli meyno, mas’uuliyadaana na fareysa, ogaada dowlad iyo shacab, Guddiga heerka sare ee ka hortagga Corona (COVID-19) aad iyo aad bey idinka qaldan tahay ee dib isugu laabta, Garoonka ciyaaraha Muqdisho ma ahan goob loo cayimay xarun karantiilka dowladda, waana xadgudub shaqooyinka ee hala joojiyo”ayay tiri Khadiijo Maxamed Diiriye.

Sidoo kale waxaa ay sheegtay in Garoonka Muqdisho Stadium boqolaal ciidanka Booliska ay ilaaliyaan, isla markaana dhalinyaro ay ka wadaan howlo dayactir iyo dib u dhis, ajaaniib loo geeyay howlaha garoonka inay maalin kasta kormeeraan.

“Ma noqon karto goob karantiil, horayna nalooma weydiinin”ayay tiri Wasiirka Dhalinyarada iyo Isboortiga, qoraal ay barteeda Facebook soo dhigtay.

Hadalka Wasiir Khadiijo ayaa yimid kadib markii Agaasimaha Wakaaladda dhismaha Qaranka, Mas’uuliyiin ka socday Ciidanka Asluubta iyo Gobolka Banaadir ay shalay Shaaciyeen in goobtaasi ay noqon doonta goobaha karantiilka.

Dowladda Soomaaliya ayaa la sheegay inay waddo in Garoonka lagu karantiili doono ku dhawaad 500 oo ruux oo Ciidamo u badan , kuwaasoo laga soo celinayo dalalka Jabuuti, Masar iyo Sacuudiga.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email