Gabdho 3 Sano iyo 4 Sano Jir ah oo Lagu Kufsaday Magaalda Afgooye

Guddoomiyaha Gobolka Shabeelaha Hoose, Ibraahim Aadan Cali (Najax)

Guddoomiyaha Gobolka Shabeelaha Hoose Ibraahim Aadan Cali (Najax) ayaa sheegay in 18 qof loo soo qabtay kiis la xiriira kufsi degmada Afgooye loogu geystay fal kufsi ah oo loo geystay labo gabdhood 3 jir iyo 4 jir.

Guddoomiyaha oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa sheegay in xabsiga loo taxaabay 18 qof oo falkaasi lagu tuhmayo, isagoo intaa ku daray inay socdaan baaritaanno dheeraad ah oo la xiriira kiiska kufsiga.

Ibraahim Aadan Cali ayaa sheegay in cadaaladda lala tiigsan doono dadka ay ku soo baxdo falka kufsiga ah, waxaana uu shacabka gobolka Shabeelaha Hoose ka codsaday inaysan gabaad siinin kuwa ku dhaqmaya falalka ka baxsan beni’aadanimada.

Guddoomiyaha Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa hoosta ka xariiqay ay weli wadaan howlgallo lagu baadi goobayo dadka ka dambeeyay fal dambiyeedka la xiriira kufsiga carruurta loo geystay, isagoo intaa ku daray in hadda la qaaday tallaabo fiican, ayna ku dadaali doonaan sidii maxkamadda loola tiigsan lahaa dadka ay ku cadaato kiiskan.

Isha: Radio Muqdisho

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email