Furitaanka kalfadhiga Baarlamaanka iyo Aqalka Sare ee Soomaaliya oo dib loo dhigay

Kalfadhiga todobaad ee labada Aqal ee baarlamaanka Soomaaliya oo lagu waday in maanta dib loo furo ayaa dib loo dhigay muddo aan la cayimin sababa la xiriira Coronavirus.

War qoraal ah oo ay si wada jir ah u soo saareen Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan iyo Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa lagu sheegay in go’aankani uu ka dambeeyay markii wasaaradda caafimaadka “ ay soo saartay talooyin ku aadan kala fogaanshaha si looga hortaga faafidda cudurka coronavirus”

Guddoomiyaasha labada Aqal ayaa dalka dibadiisa ku xayirmay markii la soo rogay go’aan lagu joojinayo duulimaadyada, si looga hortago cudurka Coronavirus.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email