faahfaahin: Alshabaab oo qarax ku weerartay saldhigga ciidamda AMISOM ee Baraawe

Wararka magaalada Baraawe ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in kooxda Alshabaab ay weerar qaraxyo loo adeegsaday ay ku qaadeen saldhig ciidamada AMISOM ay ku leeyihiin halkaasi.

Qaraxyada lagu weeraray saldhiga ciidmada AMISOM ee degmada Baraawe ayaa loo adeegsaday gaadiid laga soo buuxiyay walxaha qarxa.

Waxaa inta badan magalaada laga maqlay jugta qaraxa oo aheyd mid aad u weyn, sidoo kale waxaa goobta uu qaraxa ka dhacay laga arkayey qiiq faro badan oo ka baxayey.

Saldhiga la weeraray ayaa waxaa ku sugan ciidamo ka socdo dalka Uganda, kuwaas oo qeyb ka ah ciidamda nabad ilaalinta ee AMISOM.

Kooxda Alshaab ayaa sheegtay in ay qasaaro badan gaarsiiyeen ciidamada ku sugan halkaas, inkasto oo aysan sheegin waxuu yahay qasaaraha ay sheegeen.

Dhanka kale, wax war ah kama soo bixin taliska ciidamda AMISOM iyo dowladda Soomaaliya.