Dowladda Turkiga oo muwaadiniintiisa kala baxay Soomaaliya “sawirro”

Xorriya.com: Magaalada Muqdisho waxaa xalay laga daad-gureeyay muwaadiniinta Turkiga ee ka shaqeynayey guud ahaan dalka Soomaaliya.

Turkish Airlines ayaa dadka Turkiga ka daad-gureysay garoonka caalamiga ah ee Aadan Cadde ka dib dhamaan muwadiniita Turkishka ah halkaasi la isugu geeyay.

Tani ayaa waxay daba-socotaa amarkii dhawaan ka soo baxay madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan ee la xiriiray in dalka lagu soo celiyo shaqaalaha Turkiga ee dibadda ka hawlgala.

War qoraala oo ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Turkiga ayaa lagu sheegay in si ku-meel-gaar ahi Shaqaalaha Turkiga looga saaray dalka Soomaaliya, iyadoo laga hortaggayo dadka Turkiga ah ku dhibatoobaan haduu ku dhaco cudurka Coronavirus.

“Digtoonaantii uu qaatay madaxweynaheena si looga hortago faafitaanka Covid-19, muwaadiniinteena ku sugan gudaha Soomaaliya waxay si ku-meel-gaar ah uga guureen Soomaaliya, iyagoo raacaya inaanan muwaadiniinteena dibadda looga keenin xanuunka.” Ayaa lagu yiri qoraalka.

Turkiga waa saaxiibka ugu weyn ee Soomaaliya leedahay, iyadoo ka caawiya dhinacyo badan. Dadka Soomaaliyeedna waxay dowladda Turkiga iyo shacabkeeda u hayaan qadarin iyo xushmad badan.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email