Dowladda Soomaaliya oo gargaar caafimaad gaarsiisay Jowhar

Dowladda Soomaaliya oo gargaar caafimaad gaarsiisay Jowhar.

Dowladda Soomaaliya oo beryahi dambe waday dadaalo caafimaad ay ugu gurmaneyso dowladd gobaleedyada dalkaa si loogu hortago musiibada cudurka Caronavirus ayaa Wafdi ka socda Xafiska Ra’isul wasaaraha , Gudigga Qaranka ee ka hortagga Covid19 iyo dhaqaatiir ayaa gaaray Magaalada jowhar ee gobolka Sh/dhexe.

Wafdiga ayaa qalab caafimaad iyo dawooyin gaarsiiyay dowlad gobaleedka Hirshabeelle si ay awood ugu yeelato la tacaalidda xanuunka COVID-19.

Qalabka caafimaad ee Hirshabeelle lagu wareejiyay waxaa kamid ah qalabka Sheybaarka iyo dharka ay xirtaan howl-wadennada ka howl gala xarumaha lagu daweeyo bukaannada uu soo rito COVID-19

Qalabka Shaybaarka ee lagu wareejiyay Hirshabeelle ayaa awood u siinaya inay dadka ka baaraan COVID-19.

Dowlad gobaleedka Hirshabeelle ayaa ka mahad celisay dawada iyo qalabka caafimaad ee dowladda federaalku ku wareejiyay.

Mauuliyiinta Jowhar geeyay taageerada xukuumaddu ku xoojineysay awoodda Hirshabeelle ee xakameynta Feyruska Karoona ayaa sidoo kale socdaalkoodu salka ku hayay inay Qiimeyn ku sameeyaan xaaladda guud iyo xarumaha loo qorsheeyay in dadka lagula tacaalo, si loo ogaado baahida jirta, looguna qorsheeyo taageerada dheeraadka ah ee ay u baahanyihiin.