Dowladda Soomaaliya oo Cudud Ciidan u Adeegsaneysa Joojinta Dibadbaxyada Muqdisho Ka Dhacaya

Dibabaxayaashaoo Taayaro Gubayay Ayaa Ku Qeylinayay Halku Dhigyo Ka Dhan Ah Madaxweyne Farmaajo.

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa wado qorsho ah inay cudud ciidan u adeegsato istaajinta dibad baxyada rabshadaha sita ee xalay illaa maanta ka dhacayay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho, ka gadaal dil askari ka tirsan ciidanka Booliska Somaaliya oo u geystay labo qof oo rayid ah.

Banaan bixii maanta ayaa ahaa mid ka culus kii xalay waxaana uu saameeyay degmooyinka Boondheere iyo Shingaani, waxaana horboodayay dhalinyaro ka careysan dilkii wiilka dhalinyarada ahaa iyo gabar umul aheyd.

Dibad baxayaasha ayaa taayaro ku gubay dhowr meel oo wadada isku xirta Isgoyska Jubba illaa Daljirka Dahsoon, waxaana hakad galay isu socodka gaadiidka, sidoo kale dibad bxayaasha ayaa dhagxaan ku tuurayay gaadiidka.

Sidoo kale waxaa ay dibad baxayaasha fujiyeen oo ay dab qabadsiiyeen sawirka Madaxweynaha oo ku dhegnaa wadada wareega ee Shingaani, waxaana la arkayay dhalinyaro badan oo aargada ku taal Shingaani koray, soona dejiyay sawirka iyo tabeelihii uu surnaa.

Qaar ka mid ah banaan baxayaasha ayaa ku qeylinayay halku dhigyo ka dhan ah Madaxweyne Farmaajo

Ciidamo ka tirsan kuwa Milateriga ee loo yaqaano Koofiyo gaduud iyo Ciidamada Haramcad ee Booliska ayaa Taalada Daljirka Dahsoon ilaa wadada koontaroolka ee Hotelka Naasahablood 2.

Inkastoo aanay haatan banaan baxyo jirin, waxaa laga cabsi qabaa in banaan baxyo kale ay dhacaan, marka caawa la gaaro waqtiga Bandowga ee 7-da Fiidnimo.

Dadka reer Muqdisho ayaa ka carooday bandowga dowladda soo rogtay xilliga afurka kaddib ee 7-da Fiidnimo waxaana xalay labo qof loo dilay bandowgaas dartiis, kaddib markii askari ka tirsan ciidanka Booliska uu ku amray wiil dhalinyaro ahaa inuu gurigiisa ku xaroodo, una hoggaansamo bandowga, balse uu diiday, taasna ay keentay inuu rasaas ku furo, dabadeedna rasaastii ka dhex baxday ay disho gabar umul aheyd.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email