Doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed oo Baybadho ka Dhacayso Maanta

Magaalada Baydhabo ee xarunta ku meel gaarta u ah dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa lagu wadaa maanta inay ka dhacdo doorashada guddoonka baarlamaanka dowlad goboleedka Koofur galbeed.

Ilaa shan musharax ayaa ku tartami doona xilka Guddoonka Baarlamaanka Koonfur Galbeed,kuwaas oo ku kala tartami doonaan xilka guddoomiyaha baarlamaanka iyo ku xigeenadiisa.

Amniga magaalada Baydhabo ayaa aad loo adkeeyay iyadoo laga dareemayo dhaq dhaqaaqyadii ugu dambeeyay ee loogu jiro u diyaar garowga doorashada.

Musharixiinta Maanta ku tartami doonta xilalka Guddoonka Baarlamaanka Koonfur Galbeed ayaa waxaa ay Magacyadooda kala yihiin.

Xildhibaan Cali Saciid Fiqi oo u taagan qabashada xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka

Xildhibaan Maxamed Cabdiraxmaan Nuur oo u sharaxan xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka.

Xildhibaan Aamina Isaaq Maxamed oo u taagan xilka guddoomiye ku xigeenka 1aad ee Baarlamaanka Koonfur Galbeed.

Xildhibaan Maxamed Nuur Maxamed oo u tartami doona xilka guddoomiye ku xigeenka 1aad ee Baarlamaanka Koonfur Galbeed.

Xildhibaan Shamso Maxamed Yaroow oo ah Shaqsiga kaliya ee u taagan qabashada xilka guddoomiye ku xigeenka 2aad ee Baarlamaanka Koonfur Galbeed.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email