Dhageyso: safiirka Turkiga ee Soomaaliya oo bixiyey wareysi dhinacyo badan taabanayo

Mehmet Yılmaz, safiirka Turkiga ee Soomaaliya

Xorriya.com: Safiirka dowladda Turkiga ee Soomaaliya mudane Mehmet Yılmaz ayaa wareysi dheeri oo dhinacyo badan tabanaayo kaga hadlay xiriirka kala dhaxeeyo dowladda Soomaaliya iyo taageerada ay la garab taagan yihiin shacabka iyo dowladda Soomaaliya.

Xiriirka aadka u xooggan ee ka dhaxeeyo dowladaha iyo shucuubta Soomaaliya iyo Turkiga ayaa billowday kadib booqo aan horay loo shaacin uu magaalada Muqdisho August 19, 2011 ku yimid Recep Tayyip Erdoğan oo markaas ahaa raysal wasaare iyo qoyskiisa.

Turkiga ayaa tan iyo sannadki 2011-ki Soomaliya ka fulinayay mashaariic horumarineed oo u badan dib u dhiska kaabayaasha dhaqaalaha dalka, kaalmooyinka xagga bani’aadannimada, waxbarashada, tababarrada ciidanka qalabka sida, miisaaniyadda dowladda iyo arrimo kale.

Turkiga ayaa ahmiyad weyn siiyey Soomaaliya, isaga oo ka furtay safaaradda ugu weyn uu caalamka ku leeyahay.

Joogitaanka Turkiga ee Soomaaliya ayaa waxaa si aan qarsi aheyn uga xumaaday wadama Sacuudiga, Imaaraadka iyo Masar. Dalalkaan ayaa aaminsan in uu Turkiga lid ku yahay danahooda gaarka ay Soomaaliya ka leeyihiin.

Sidoo kale, dowladada diriska la ah Soomaaliya gaar ahaan Kenya iyo Ethiopia ayaa ku sugnaasha Turkiga ee Soomaaliya u arko dhibaato ku soo wajahan madaama uu Turkiga ku howlan yahay tababaridda iyo tayeynta ciidamada kala duwan ee Soomaaliya.

Warsidaha Xorriya Online waxey weysigaan ka soo xiganeysaa idaacadda VOASOMALI oo danjiraha ka qaaday wareysigaan

Wareysigaan oo ka kooban afar qeybood ayaa waxaa la yeeshay safiirka Nuur Xassan Nuur oo ka tirsan laanta Af Soomaaliga ee VOASOMALI, waxaana la soo jeedinaayo Maxamed Bashir Cabdiraxman oo isna ka tirsan isla idaacadda.

Wareysiga ayaa ku billowday su’aasha ah, goorta uu soo billowday xiriirka labada wadan.

Qeybta koowaad ee wareysiga

Qeybta labaad ee wareysiga

Qeybta seddexaad ee wareysiga

Qeybta afaraad ee wareysiga

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email