Deg-deg: Madaafic Hoobiyayaal Ah oo Ku Dhacay Degmadda Wadajir oo Dad Shacab Ah Ku Geeriyoodayn

Al-Shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda weerarkaan, iyagoo sheegay inay beegsadeen xerada ugu weyn ee Ciidanka AMISOM ee Xalane.

Sida warar xog ogaal ah aan ku helayno ayaa sheegaya in tiro Hoobiyeyaal ah ayaa goordhaw ku dhacay xaafad ka tirsan degmada Wadajir, waxaana ay geysteen khasaare iskugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Qaar ka mid ah warbaahinta maxaliga ah ayaa ku soo waramaya in Hoobiyeyaashan oo Al-Shabaab ku weerareen Xarunta Xalane ee saldhigga u ah Ciidanka AMISOM iyo Safaaradaha shisheeye.

Wararka ayaa sheegaya in madfac uu ku dhacay guri ku dhow xarunta Xalane, waxaana ku dhintay afar qof oo isku qoys ah, sidoo kale madfac kale ayaa iyana ku dhacay xero Geella lagu xareeyo oo ku taal Xaafada Tarabuush ee demada Wadajir, halkaasoo iyana islaan da’ aheyd ku geeriyootay, oo lagu magacaabi jiray Nuuro Maxamed Cosobow.

Sidoo kale xerada geellka lagu xanaaneeyo ee madfaca hoobiyaha ku dhacay ayaa la sheegay in dhowr geella ku dhinteen, kuwaasoo qaarkood la lisayay xilliga hoobiyaha soo dhacayay.

Al-Shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda madaafiicda hoobiyeyaasha, iyagoo sheegay inay beegsadeen xerada ugu weyn ee Ciidanka AMISOM ku sugan yihiin.

Alshabaab ayaa wareearada hoobiyaalka ah ay ka geystaan magaalada muqdisho yaraayen bilihii la soo dhaafay balse wareerkaan ayaa ka dhigan kii labaad oo madaafiic hoobiyeyaal ah oo bishan gudaheed Al-Shabaab ku weerarto Xerada Xalane.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email