Deg Deg: Guddoomiya Baarlamaanka Koonfur Galbeed oo loo Doortay Amb. Cali Saciid Fiqi

Guddoomiya Cusub ee Baarlamaanka Koonfur Galbeed Amb. Cali Saciid Fiqi

Magaalada Baydhabo ee xarunta ku meel gaarka u ah dowlad goboleedka Koonfur Galbeed ayaa maanta oo ay taariikhda tahay April 1, 2020 waxaa ka dhacdey doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed.

Doorashadaan ayaa waxaa ku tartamayey labo xildhibaan, kwass oo kala ah safiirkii hore ee Soomaaliya u fadhiyey Midowga Yurub, Ambassador Cali Saciid Fiqi iyo Maxamed Cabdiraxmaan Nuur .

Tirada xildhibaanda wax dooranayey ayaa aheyd 93 xildhibaan oo ka tirsan baarlamaanka cusub ee Koonfur Galbeed.

Marki ay codeynta iyo tirinta dhamaatay waxaa waxaa cododkii loo kala helay sidaan: Xildhibaan Dr. Cali Saciid Fiqi waxuu helay 83 cod, halka xildhibaan Maxamed Cabdiraxmaan Nuur uu helay 2 cod, waxaana ay noqdeen cododka halaabay 8.

Intaas kadib, ayaa guddoomiyaga gudduga doorasha ku dhawaaqay in Xildhibaan Dr. Cali Saciid Fiqi uu ku guuleystay xilka guddoomiyaha Baarlamaanka dowlad goboleedka Koonfur Galbeed.

Markii lagu arkay Dr. Cali Saciid Fiqi liiska cusub ee xildhibaanda Baarlamaanka Koonfur Galbeed ayaa hadal heynta ugu badani waxey aheyd in uu noqdoon guddoonka Baarlamaanka iyo in uu garab iyo taageero ka helaayo madaxda dowladda Soomaaliya.

Doorashaan uu ku soo baxay Dr. Cali Saciid Fiqi ayaa aheyd hal wareeg galiya iyo mid aan xamaasad badan laheyn maadaama saadaashu aheyd in uu guuleysan doono Dr. Cali Saciid Fiqi.

Sidoo kale, waxey xildhibaanada saacada soo socdo dooran dooraan guddoomiye ku xigeenka koobaad ee Baarlamaanka Koonfur Galbeed oo ay u taagan yihiin 2 xildhibaan iyo gudoomiye ku xigaanka labaad uu hal xildhibaan kaliya u taagan yahay oo ah qof dumar ah.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email