Deg Deg: Golaha wasiirada Galmudug oo lagu dhawaaqay

Axmed Cabdi kaariye Qoorqoor, Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug

Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug, Axmed Cabdi kaariye Qoorqoor ayaa magaalada Dhuusomareenb kaga dhawaaqay liiska golihiisa wasiirrada oo ka kooban 23 xubnood.

Golaha wasiirada ayaa waxaa ka mid ah labo xildhibaan oo ka mid ah baarlamaanka Soomaaliya.

Xildhibaanada ayaa ka ah Axmed Macalin Fiqi oo loo magacaabay wasiirka amniga iyo Saabir Shuuriye Nuur oo loo magacaabay wasiirka dekedaha iyo kalluumaysiga.

Xildhibaanada ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ee xilka looga magacaabay Galmudug ayaa waxay si weyn u dhaliilsan yihiin, kana soo horjeedaan xukuumadda Soomaaliya uu hoggaamiya raysal wasaare Xasan Cali Kheyr.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email