Deg-deg: Banaan-baxyo Xoogan oo ka Socda Magaalada Muqdisho

Banaan-baxayaasha Ayaa Ka Cabanayay Ciidaamada Dowladda Sida Ay Ula Dhaqmayaan Bulshada.

Bandow ay soo roktay dowladda Soomaaliya ayaa sababay xalay in askari ka tirsan Ciidanka Booliska uu wiil iyo gabar ku dilay degmada Boondheere, ka gadaal waxaa isku soo baxay dad deegaanka oo shacuurta muujiyay xalay banaan bax ka dhacay agagaarka Isgoyska Jubba ayaa saakayna sii xoogeysatya sidoo kale waxa uu banaan bax rabshado wata ka bilowday meelo ka mid ah degmooyinka Shingaani iyo Boondheere, , .

Banaan baxayaasha ayaa saaka mar kale gubaya taayaro, waxaana ay xirteen laga bilaabo isgoyska Jubba illaa Taalada Daljirka Dahsoon, sidoo kale banaan baxayaasha ayaa iyagoo careysan waxay ku qeylinayeen halku dhigyo ka dhan ah Ciidanka dowladda.

Banaan baxan ayaa waxaa hormuud u ah dhalinyarada xaafadaha, kuwaasoo aad uga careysan dilkii wiilkii dhalinyarada ahaa iyo gabar umul aheyd oo deganaa agagaarka Wasaaradda Boostada.

Labada qof ee la dilay ayaa lagu kala magacaabayay Xasan Cali Caddaawe oo 24 jir ah iyo Madiina C/llaahi Cabdi oo 17 jir aheyd.

Taliyaha Booliska Soomaaliya Jen. Xijaar ayaa xalay sheegay in la xiray Askarigii dilka geystay ee ka tirsanaa Saldhigga Booliska degmada Boondheere.

Bandowgii 7-da Fiidnimo ee xalay ka dhaqan galay magaalada Muqdisho ayaa durba dhaliyay in dad loo dilo, gaar ahaan in askari Boolis ah oo labo qof oo gurigooda jooga inuu si bareer ah uu toogasho ugu geystay.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email