Madaxweyne Dani oo Bogaadiyay Deeq Caafimaad oo ka Timid Imaaraadka Carabta

Deeq caafimaad oo ka timid Imaaraadka Carabta

Madaxweynaha Maamulka Puntland Saciid C/llaahi Deni oo uga mahadceliyay Imaaraadka Carabta Agab Caafimaad oo loogu talagalay xakameynta iyo ka hortagga Coronavirus, kaasoo Imaaraadku ugu deeqay Puntland.

Diyaarad siday agabka caafimaad ayaa maanta ka degtay magaalada Boosaaso, waxaana la wareegay agabkaas Guddiga qaabilsan Ka hortagga Cudurka Coronavirus ee Puntland.

“Waxaan uga mahadcelinaya Imaaraadka gargaarka bani’aadantinimo ee ay nasoo gaarsiisay, oo maanta Boosaaso ka degay, waa agab caafimaad oo loogu talagalay xakameynta iyo ka hortagga Coronavirus”ayuu yiri Madaxweyne Deni.

Madaxweyne Deni oo ka hadlayay sida xilligan adduunka dagaal ugu jiro COVID-19 ayaa sheegay in loo baahanyahay in la iska kaashado Ka hortagga Cudurkaasi, isla markaana ay aad uga mahadcelinayaan Dowladda Imaaraadka in agabkan soo gaarsiisay xilli aad loogu baahan yahay.

Imaaraadka ayaa saaka ka dejiyay magaalada Hargeysa Somaliland deeq caafimaad oo isugu jirtay qalabka looga hortago cudurka Coronavirus iyo agabka ay isticmaalaan shaqaalaha Daryeelka.

Waa deeqdii labaad oo caafimaad oo Imaaraadka soo gaarsiiyaan Maamulada Puntland iyo Somaliland oo xiriir dhow ay la leeyihiin.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email