Dagaaladii ka Socday Duleedka Kismaayo lagu Guuleystay in la Joojiyo.

Dagaal beleedkaan oo maalmahii la soo dhaafay ka socday deegaanada Fuuma, Kooyaamo iyo Jiiroole oo qiyaastii 50 Km dhanka galbeedka uga beegan magaalada Kismaayo, ayaay Ciidamada Amaanka ku guleeysteen in ay kala dhexgalaan oo ay joojiyaan.

Dagaalkan oo sanadahii la soo dhaafay kusoo noqnoqonayay deegaanadaasi, ayaa sida la sheegay waxaa uu ku qotomaan sheegashada lahaanshaha dhul deegaan ah oo halkaasi ku yaalla, oo labada beeloodba ay sheeganayaan.

Waxaa socota qabanqaabo ay halkaasi uga socdaalayaan Odayaal iyo wax garadka degaanka, kuwaasi oo ku wajahan degaanadii ay Dagaalada ka dhaceen si Beelahii ku dagaalamay ay Nabad waarta u kala dhax dhigaan.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email