Daadad ku soo rogmaday Magaalada Qardho oo sababay Khasaaro naf iyo maal ba’ leh

Meydadka 5 ruux oo 3 kamid ah carruur tahay ayaa la helay.

Roobab lixaad leh oo ka da’ayay maalmahaani Somaaliya gaar ahaan magaalada Qardho ayaa sababay fatahaado xoogaan oo ku dhuftay magaalada kaas oo sababay khasaaro naf iyo maal ba’ leh.

Wararka laga helaayo magaalada Qardho ayaa sheegaya in la helay Meydadka shan ruux oo saddex kamid ah carruur tahay  lana geeyey Isbitaalka guud ee Magaalada Qardho.

Sida lay xaqiijiyey, dad kale ayaa la la’yahay oo aan ilaa hada dhimasho iyo nolal midna loo xaqiijin, guryo iyo goobo-ganacsi oo badan ayaa burburay, waxaana jira qoysas badan oo shalay guryo ku jiray maantase banaan yaal ah, kaddib daad xoogleh oo xalay qarqiyey magaalada Qardho.

Dadka dhintay waxaa kamid ah hooyo iyo laba carruur ah oo walaalo ah sida ay noo xaqiijiyeen masuuliyiinta Isbitaalka wayn ee Qardho.

Afar tog oo magaalada dhex mara ayaa dhammaantood Biyo Xoog leh soo rogay kadib roobababkii Guga oo saacado is xigay ka da’ay Qardho waana taasi mida dhalisay khasaarahan kala duwan.

Wadada isku xirta magaalooyinka Qardho iyo Boosaaso ayaa ka jira isku socod aan badnayn, mana aysan jabin buundada Qardho oo cabsi wayn laga qabay badqabkeeda hadii ay jabi lahaydna ay kala xirmi lahaayeen Deegaanada Puntland.

Halkaan hoose ka daalaco sawirada fatahaada Qardho:

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email