Ciidamda Soomaaliya oo Deegaano Muhiim ah ka Qabsaday Alshabaab

Howlgalo ciidanka xoogga dalka gaar ahaan guutada 8-aad Qeybta 60-aad ay ka sameeyeen degaano hoosyimaado degmada diinsoor gobolka Baay ayay Al-shabaab waxay kaga saareen degaanada Bandhuub iyo Biilane kuwaasi oo ay maleeshiyada al-shabaab ku dhibaateeynjireen shacabka kunool degaanadaasi.

Taliyaha Qeybta 60-aad Xoogga Dalka Soomaaliyeed S/guuto Maxamed Shiikh Cabdulaahi ayaa Idaacadda Ciidamadda Qalabka Sida u sheegay ujeedka howlgalka inuu yahay sidii maleeshiyaadka argagixisada looga saari lahaa gobolada baay iyo bakool.

Jeneraal Maxamed Shiikh Cabdulaahi ayaa tilmaamay inay haatan ay kordhiyeen howlgalada la isugu furayo Baay iyo Bakool islamarkaasna ay ku guuleeysteen degaano dhoowr ah inay ka saaraan argagixisada.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email