Ciidamada Soomaaliya oo La Wareegay Gacan Ku Heynta Deegaanka Leego

Ciidamada Kumaandooska ee ka qeybta ah talisyada ciidamada Soomaaliya ayaa la wareegay gacan ku heynta deegaanka Leego ee Gobolka Shabellada hoose taas oo ay kooxda Al-shabaab gacanta ku hayeen mudooyinkii dambe.

Saraakiil ka tirsan Kumaandooska Soomaaliya oo la hadlay warbaahinta qaranka Soomaaliya ayaa sheegay in Ciidamada ay labo jiho ka weerareen Deegaanka Leego ee Gobolka Shabellaha Hoose.

Sidoo kale Saraakiisha Kumaandooska waxa ay sheegeen in gudaha degaanka ay ka fuliyeen Howlgal baaritaano ah oo lagu xaqiijinayo Ammaanka guud ee degaanadii lagala wareegay kooxda Al shabaab.

Ciidamada Kumaandooska ayaa sido kale shaaciyay in ay howlgalkan kusoo qabtayn labo Gaari oo walxa qarxa ah ay kooxda Al-shabaab ku diyaariyeen si ay ugu dhibateyaan Shacabka Soomaaliyeed waa sida ay warkooda u dhigeyne, ciidama deegaanka la wareegay ayaa sidoo kale sheegay in howlgalkan ay ku bur buriyeen keydkii hubka Al-shabaab ee Gobolka Shabellada Hoose.

Dhinaca kale, wali wax hadal ah kama soo yeerin kooxda Al-shabaab oo ay ciidamada dowlaada sheegteyn in ay kala wareegeyn deegaanka Leego sidoo kalana lagala waeegay gawaari qaraxyo ah iyo keyd hub.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email