Ciidamada Booliska koofur Galbeed oo Gubay Qaad Laga Keenay Dalka Itoobiya

Ciidamada Booliska koofur Galbeed oo Gubay Qaad Laga Keenay Itoobiya

Ciidamada Booliska magaalada Baydhabo ayaa maanta lagu gubay qaad si sharci darro ah loo soo geliyay gudaha magaalada Baydhabo.

Qaadkan oo laga keenay dalka Itoobiya ayaa goobtii lagu gubayay waxaa goobjoog ka ahaa Taliyaha Saldhigga Booliiska Baydhabo Muqtaar Ibraahim Dugudow, Taliyaha Booliiska Gobolka Bay Aamiin Maddarow, taliyaha qaybta 60-aad ee CXD Genatal Maxamed Sheekh Cabdullaahi Ciiro, Guddoomiyaha Degmada Baydhabo ahna Duqa Magaaladaas Xasan Macalin Axmed Biikole, Wasiirka Warfaafinta KGS Ugaas Xasan Cabdi Maxamed iyo xubno kale.

Taliyaha Booliiska Saldhigga Baydhabo ayaa Muqtaar Ibraahim Dugudow oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in si qarsoodi ah qaadka loo soo geliyay magaalada Baydhabo, ayna ku guuleysteen ciidamada inay gacanta ku soo dhigaan.

“Waxaan uga digeynaa dadka ka ganacsada iyo kuwa isticmaala qaadka waxaana u sheegeynaa inaan gubi doono qaadka oo aan maxkamad horgeyn doono ciddii lagu soo qabto.”ayuu yiri taliyaha ciidamada Booliska gobolka Bay Aamiin Maddarow.

Sidoo kale taliyaha ciidamada Booliska Bay ayaa u digey ciidamada u fududeeya ganacsatada inay soo geliyaan qaadka gudaha magaaloyinka hoos taga gobolka Bay.
Sidoo kale Taliyaha qaybta 60-aad ee CXD Genatal Maxamed Sheekh Cabdullaahi Ciiro ayaa ciidamada militariga ah ugu digay ku lug lahaanta dambiyo ay kamid yihiin fududeynta Qaadka oo la mamnuucay sabab la xiriirta cudurka Coronavirus.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email