Ciidamada Booliiska oo Masaajidyo Ku Yaal Muqdisho Maanta Irdaha u Laabay

Ciidamada Booliska magaalada Muqdisho ayaa diiday maanta in lagu tukado salaadda Jimcaha qaar ka mid ah masaajidyada magaalada Muqdisho.

Booliska ayaa ku amray iimaamyada masjidyo ay ka mid yihiin Marwaas iyo masaajidyo kale oo ku yaal magaalada Muqdisho in la joojiyo salaada jimcaha.

Ciidamada tagay Masaajidyada ayaa waxa ay ku amreen dadkii doonayay inay tukadaan salaadda Jimce in ay ka baxaan oo ay guryahooda ku tukadaan.

Hase yeeshee qaar ka mid ah masaajidyada ay ciidamadu tageen ayaa jameecadii ku tukanaysay ay diiden inay ka baxaan masaajidyada.

Tallaabada ay qaateen ciidamada Booliska ayaa ah mid bilow u ah hirgelinta baaqyo ay hore dowlada federalka ay ugu baaqeen shacabka Soomaaliyeed si loogaga hortago cudurka faafa ee Coronaviras.