Cabdikariin Guuleed oo fariin u diray Masuuliyiinta Maamulka Hirshabeelle

C/kariin Xuseen Guuleed, Madaxweynihii hore ee Galmudug.

Saacadihii aynu ka soo gudubnay oo uu khilaaf xoogaani u dhaxeeyayay Madaxdweynaha iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Hirshabelle ayaa Madaxweynihii hore ee Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed ka hadlay khilaafka u dhaxeeyay Madaxda Maamulka Hirshabeelle ee sababay in saacadihii la soo dhaafay in magaalada Jowhar gasho xaalad kacsanaan siyaasadeed, kaddib mooshino iska soo horjeeda ay ku dhawaaqeen labada garab.

C/kariin Guuleed ayaa ugu baaqay Madaxda Hirshabeelle in khilaafka siyaasadeed ee soo kala dhex galay ay wada hadal ku xaliyaan, lana dejiyo xaalada.

“Waxaa muuqda maalmahan mooshino iska soo horjeeda iyo khilaaf siyaasadeed oo u dhaxeeya madaxda sare ee dowlad gobaleedka Hirshabeelle, waxaan ku baaqayaa xaaladda in la dajiyo, waxii khilaaf iyo is afgarasho waa ah ee jirana lagu xaliyo is faham iyo wadahadal”ayuu yiri C/kariin Guuleed.

Mr Guuleed ayaa sheegay in Madaxda iyo Mas’uuliyiinta reer Hirshabeelle ay garwaaqsadaan in khilaafka horseedo burbur ku yimaada hey’adaha dowladnimada iyo jiritaanka maamulka, sidii ku dhacday lal hore Maamulkii Galmudug.

C/kariin Guuleed ayaa ugu dambeyn waxaa uu ugu baaqay dowladda dhexe inay faragelinta ka deyso Maamulka Hirshabeelle, si uu arrimihiisa qaaska si iskooda ahna ugu xalistaan.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email