Bulshada reer Baladweyne oo ka walwalsan qulqul biyo farabadan ah oo ku soo wajahan

Magaalada Baladweyne ayaa nasiib u yeelatay ququl fatahaado biyo ah Sanadkiiba mar.

Bulshada ku dhaqan magaalada Belad-weyne ee Gobolka Hiiraan ayay cabsi la soo deristay maalmihi ugu danbeeyay maadaama la gudagalay xiliga gu,ga oo roobab badan ay da,een, walalka ugu weeyn waxa uu yahay fatahaad la mid ah tii sanadkii hore in uu sameeyo webiga Shabelle ee magaaladaas dhexmara.

Biyaha webiga ayaa sare u kacay maalmihii la soo dhaafay, iyadoo Maamulka gobolka Hiiraan uu bilaabay caro tuur lagu sameynayo hareeraha Wabiga iyo goobaha ay Biyuhu ka soo baxaan.

Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa kormeeray goobaha qaar ee Wabiga, isagoo uga digay shacabka biyo farabadan oo ku soo wahahan Magaalada Beledweyne.

Magaalada Baladweyne ayaa nasiib u yeelatay ququl fatahaado biyo ah halka Sanad walba Wabiga Shabeelle ee mara Gobolada labada Shabeelle iyo Hiiraan uu sameeyaa fahataado sababa inay dad badan barakacaan, sidoo kalana dhibaato naf iyo maal ah iskugu jirtana sameeyo.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email