Boqorkii Cuudka Abwaan Xudeydi oo ku geeriyooday London

Axmed Ismaaciil Xuseen (Xudeydi) 1928-2020

Allaha u naxariistee waxaa magaalada London ku geeriyooday Fanaan, laxamiiste iyo abwaan Axmed Ismaaciil Xuseen (Xudeydi), kaasoo maalmihii u dambeeyay ku xanunaansanaa Isbitaal ku yaalla magaalada London.

Abwaan Xudeydi ayaa da’diisa aheyd 92 sano jir, waxaa sanadkii 1928 uu ku dhashay magaalada Berbera.

Xudeydi ayaa waxaa hayay fayraska Coronavirus oo adduunka oo dhan saameeyay, isagoo markii cudurkaas haleelay la dhigay Isbitaal.

Xudeydi ayaa loo yaqaanay boqorkii Cuudka, isagoo tiir iyo udub dhexaad u ahaa Fanka Soomaaliyeed, kana mid ahaa aas aasayaasha Fanka Casriga ah ee Soomaalida.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email