Boob iyo dhac loo geystay gancsatada Soomaalida ee South Africa

Ilo wareedyo ka imaanayo dalka Koonfur Afrika ayaa sheegaya in burcad Koonfur Afrikaan ah ay boob u geysteen goobo ganacsi oo ay lahaayeen Soomaalida ku nool dalkaasi.

Burcadda ayaa la tilmaamay in ay ku xoomeen laba Dukaan oo lahaayeen Ganacsatada Soomaalida ah ee dalkaas isla matkaana wixii yiilay ay ka qaateen.

Soomaalida ku ganacsata dalka Koonfur Afrika ayaa walaac ka muujiyay boobka noocaan oo kala ah iyada oo horay dhac hubeysan loogu geysan jiran hantidoodana la dhici jiray iyada oo mararka qaar ay dhimasho iyo dhaawac loo geysan jiray Soomaalida.

Boliika Koonfur Afrika ayaa la tilmaamayaa in aysan jirin wax talkaabo ah oo ay ka qaadayaan kooxahaan Isku xiran ee dhaca u geysta ganacsatada ku nool dalka Koonfur Afrika.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email