Baaritaan lagu sameeyey Mas’uuliyiin iyo Sarakiil lagu Eedeeyey Dagaalkii ka Dhacay Wanlaweyn

Dowladda Soomaaliya ayaa dadaal xooggan ku bixineysa sidii loosoo afmeeri lahaa colaado sokeeye oo dhowaan ka dhacay degmada Wanlaweyn ee Gobolka Shabeelada hoose oo ay ku dirireen maleeshiyada laba beel oo walaalo ah oo halkaasi wada dega.

Guddi ka socda Maxkamadda Ciidamada qalabka sida iyo sidoo kale masuuliyiin ka tirsan dowlad-goboleedka Koonfur galbeed oo xalka colaaddaasi ku howlanaa ayaa u yeeray qaar kamid ah saraakiisha Ciidamada Militiriga, Xubno ka tirsan Baarlamaannada Koonfur Galbeed iyo Hirshabeelle, kuwaas oo la tuhmayo iney kaalin ka qaateen dagaallaas, sidoo kalena waxey shaqo joojin ku sameeyeen  Guddoomiyihii degmada Wanlaweyn Maxamed Siidow Cabdiraxmaan .

Ciidamada booliska Soomaaliya qeybta barista dembiyada ayaa furay gal-dacwadeed ka dhan ah Xildhibaan Aadan Cabdi Faarax “Kala-dire” oo ka tirsan baarlamanka maamulka Hirshabeelle iyo sidoo kale Xildhibaan Mayow Mustaf Xasan oo kamid ah Baarlamanka Koonfur Galbeed , waxaa sidoo kale baaris lagu sameynayaa Xildhibaan hore Maxamed Taraafiko oo horay uga mid ahaa Baarlmankii hore ee Koonfur galbeed, dhammaantood ayaa waxaa la amray iney tagaan xarumaha Ciidamada baarista booliska si looga qoro cadeymo dheeraad ah, oo la xiriira Colaaddii walla-weyn ka dhacday iyo haddii ay jiraan kaalin muuqata iyo mid dadban ay ku lahaayeenba.

Dhinaca kale Abaanduulihii guutada 7-aad ee Ciidamda Xoogga Soomaaliya iyo qof kale oo loogu tilmaamay dagaal-ooge ayaa looga yeeray Maxkamadda Ciidamada ee Soomaaliya, kuwaas oo lagu haaysto iney qeyb ka yihiin colaaddii halkaasi ka dhacday .

Dagaalladii u dhexeeyay maleeshiyaadka beelaha walaalaha ah ee ka dhacay walaweyn ayaa waxaa si weyn uga xumaaday guud ahaan bulshada, waxeyna dowladda Soomaaliya ku dhaqaaqday sidii guud ahaanba loo xalli lahaa.

Isha: Hiiraan Online
Cabdicasiis Axmed Barrow