Kooxda Al-Shabaab oo labo maalin oo isku-xigo madaafiic ku weeraray xarunta Xalane

24-saac gudahood ayay Al-shabaab weerarkii labaad oo madaafiic ah ku qaaday xarunta Xalane.

Xarunta Xalane oo ay saldhig ku leeyihiin Ciidamada AMISOM, Hey’adaha Qaramada Midoobey iyo Safaarado dhowr ah ayaa kooxda Al-Shabaab ay markii labaad muddo 24-saac gudahood ah weerar madaafiic ah ku qaaday..

Weeraradan Madaafiic ayaa dhacay shalay subax iyo xalay fiidkii hore, waxaana la sheegay in dhowr madaafiic ku dhaceen Xalane iyo Garoonka diyaaradaha Muqdisho.

Al-Shabaab ayaa qoraalo ay barahooda Internet-ka ku qoreen ku sheegay in duqeyntaas lagu dilay ajaaniib ah.

Hase ahaatee madaafiicdii shalay subax oo ku dhacay meel aan sidaa uga fogeyn Xerada Xalane waxaa ku dhintay illaa afar qof rayid ah oo guryahooda madaafiicda ku habsadeen.

Dowladda Soomaaliya ayaa weli ka hadlin weerarada madaafiicda lagu qaaday Xarunta Xalane, iyadoo bishan gudahood 3 jeer weeraro madaafiic lagu qaaday xarunta Xalane iyo garoonka diyaaradaha.

Weerarada hobiyaalka mdaafiicda ah ee Al-Shabaab ku weerarayaan Xerada Xalane ayaa waxaa dhowaan ka hadlay Wasiirkii hore Warfaafinta Daahir Maxamuud Geelle ahna Musharax u taagan xilka Madaxweynaha doorashada 2021, waxaana uu sheegay in dowladda aysan u arkin weerarada garoonka diyaaradaha la soo tuuray oo kaliya, balse ay u aragto saameyn taban ee dalka ku yeelan karo, isla markaana u aragto arrin qaran difaacida garoonka.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email