Cabdiraxmaan Caynte oo ka Sheekeeyay Taariikhda iyo Shakhsiyadda Nuur Cadde

Wasiirkii hore ee Qorsheynta dowladda Soomaaliya horayna uga soo shaqeeyay warbaahinta VOA, BBC iyo AlJazeera ayaa wax ka qoray dhaxalkii uu uga tagay sooyaalka Siyaasadda Soomaaliya Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Nuur Cadde oo 1-dii bishan ku geeriyooday magaalada London. Qoraal uu bartiisa Facebook ku soo qoray ayuu Mr C/raxmaan Caynte ku soo koobay taariikhda […]

Dalka Yemen oo Kiiskii Ugu Horreeyey ee Cusurka Coronavirus Laga Helay

Dowlada Yemen ayaa shaacisay in qofkii ugu horeeyay ee qaba cudurka Coronavirus laga helay koofurta dalka Yemen oo sanadihii la soo dhaafay dagaalo sokeeye ay saameyn ku yeesheen. Guddi u qaabilsan kahortagga cudurka Coronaviruska dalka Yemen ayaa xaqiijiyay in muwaadin Yemeni ah laga helay cudurkan. “Bukaanka waxaa la geeyay goob karantiil ah waxaana la raadineynaa […]

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa Bulshada la Wadaagay Fariin ku Aadan Coronavirus

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo oo shacabka Soomaaliyeed la wadaagay farriin ku aaddan cudurka COVID-19 ayaa ku baaqay in lagu dadaalo taxaddarka iyo feejignaanta, maadaama ka hortagga cudurkan uu yahay xalka ugu habboon. Farriintan ayaa ah tii 3aad ee Madaxweynuhu kaga hadlo arrimaha Cudurka Coronavirus oo adduunka oo dhan dhibaato ku haya, kumanaan […]

Ciidamada Booliska koofur Galbeed oo Gubay Qaad Laga Keenay Dalka Itoobiya

Ciidamada Booliska magaalada Baydhabo ayaa maanta lagu gubay qaad si sharci darro ah loo soo geliyay gudaha magaalada Baydhabo. Qaadkan oo laga keenay dalka Itoobiya ayaa goobtii lagu gubayay waxaa goobjoog ka ahaa Taliyaha Saldhigga Booliiska Baydhabo Muqtaar Ibraahim Dugudow, Taliyaha Booliiska Gobolka Bay Aamiin Maddarow, taliyaha qaybta 60-aad ee CXD Genatal Maxamed Sheekh Cabdullaahi […]

Isbitaalka Digfeer oo Hakad Geliyay Adeegyadii Caafimaad Sababo La Xiriira Coronavirus

Isbitaalka weyn ee Digfeer ee loogu magac daray Receb Tayyib Erdogan ayaa maanta gebi ahaanba joojiyay howlihii caadiga ahaa ama qabashada bukaanada maalinlaha u taga Isbitaalka. Maamulka Isbitaalka ayaa maanta shaaciyay in la joojiyay qaabilada bukaanada laga bilaabo maanta oo sabti ah 11 April 2020 illaa 31 bisha May 2020. Sidoo kale Maamulka Isbitaalka ayaa […]

Mareykanka oo 2,000 oo Qof u Dhimatay Coronavirus Maalin Gudaheed

Mareykanka ayaa noqday dalkii ugu horreeyay ee in ka badan 2,000 oo qof maalin kaliya u geeriyooda Cudurka Coronavirus, iyadoo la diiwaan geliyay 2,108 qof oo dhimasho ah 24-kii saac ee la soo dhaafay. Tirada kiisaska la xaqiijiyay cudurka COVID-19′ ee Mareykanka ayaa kor u dhaaftay 500,000 sida laga soo xigtay warbixintii ugu dambeysay  ee […]

Culumaa’udiinka Magaalada Muqdisho oo ka hor-yimid tallaabadii lagu xiray Masaajidada

Qaar ka mid ah Culumaa’udiinka Soomaaliyeed ayaa ka hor-yimid tallaabadii lagu xiray Masaajidyo ku yaalla Muqdisho, kaddib markii shalay ay gudaha u galeen Ciidamada Booliska, xilligii salaadii jimcaha. Sheekh Yuusuf Tuurxume iyo Sheekh Maxamed Yaasiin Cabdiwaaxid ayaa sheegay in arrintaas aheyd mid lama filaan ah oo ka soo horjeeda dhaqanka iyo anshaxa islaamka, isla markaana […]

Sarkaal ka tirsan Hey’adda Socdaalka oo lagu Dilay Magaalada Gaalkacyo

Sarkaal sare oo ka tirsan Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha ee dowladda Soomaaliya, gaar ahaan Laanta Puntland ayaa xalay lagu dilay magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug. Cismaan Xuseen Xaaji Ismaaciil (Farey) oo ahaa Madaxii Xafiiska Laanta Socdaalka ee Garoonka diyaaradaha Gaalkacyo ayaa kooxo hubeysan ay dileen xilli uu u weysa-qaadanayay salaadii Maqrib masaajidka Al Huda […]

Nabadoon Caan ahaa oo Xalay Lagu Dilay Muqdisho

Kooxo hubeysan ayaa xalay ku dilay degmada Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir nabadoon si weyn looga yaqaanay degmadaas. Dilkan ayaa ka dhacay Xaafada Juungal, waxaana nabadoonka la dilay lagu magacaabayay Xaaji Shaahid Kheyr-doon. Wararka ayaa sheegaya in dabley ku hubeysan bastoolado ay toogasho ku dileen Nabadoonka, xilli uu ka soo baxay Masaajid salaadii cishaha. Dadka deegaanka […]