Safiirka Soomaaliya ee Midowga Yurub oo isku Sharaxay Xilka Guddoonka Baarlamaanka Koofur Galbeed

safiirka Soomaaliya u fadhiya xarunta Midowga Yurub Dr. Cali Siciid Fiqi

Musharaxiinta u taagan xilka Guddoonka Baarlamaanka Koofur Galbeed ayaa maanta lagu wadaa inay khudbad ka hor-jeediyaan Xildhibaannada Baarlamaanka, si ay ugu soo bandhigaan qorshahooda siyaasadeed haddii loo doorto xilkaas.

Illaa shan Musharaxa ayaa u taagan qabashada xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo Labadiisa Kuxigeen, iyadoo durba Musharaxiintan ay olole ka bilaabeen magaalada Baydhabo, si ay u kabsadaan taageerada Xildhibaannada.

Xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa waxaa u taagan Amb. Cali Saciid Fiqi iyo Maxamed C/raxmaan Nuur, waxaana aad loogu saadaalinayaa in Amb. Cali Fiqi ku guuleysan karo xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka Koofur Galbeed.

Sidoo kale xilka Guddoomiye kuxigeenka 1aad ee Baarlamaanka ayaa waxaa u taagan labo Musharax oo mid ka mid ay tahay Haweeney lagu magacaabo Aamina Isaaq Maxamed iyo Xildhibaan Maxamed Nuur Maxamed

Xilka Guddoomiye kuxigeenka labaad ayaa waxaa u taagan hal Musharax oo ah Haweeney lagu magacaabo Shamso Maxamed Yarow

Khudbadaha Musharaxiinta u taagan xilka Guddoonka Baarlamaanka Koofur Galbeed ayaa maanta kaliya ah, waxaana maalinta berri oo taariikhda tahay 1 April lagu wadaa inay dhacdo doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo labadiisa kuxigeen.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email