Dowladda Itoobiya oo ku Dhawaaqday inay Heshay Daawada Cudurka Coronavirus

Wasaaradda Curinta iyo Teknolojiyadda, Wasaaradda Caafimaadka iyo dhakhaatiir dhaqameedyada dalka Ethiopia ayaa ku dhawaaqay inay oggolaadeen daawo dhaqameed lagu tijaabiyey dadka iyo xoolaha tan iyo markii uu cudurku dillaacay 19-kii Diseembar 2019.

Abraham Belay, Wasiirka Teknolojiyadda, wuxuu sheegay in khubarada daawada ee waddanka ay soo saareen daawo loogu tala galay virus-ka oo aan wali laheyn daw rasmi ah adduunka oo dhan.

Sida uu sheegayo Wasiirka Teknolojiyada, wejiga baarista sheybaarka ee mashruuca ayaa soo dhammaaday. Tallaabada xigta waxay ahaandoontaa tijaabintiisa sheyga.

Daawo dhaqameedkaan ma ahan dawada rasmiga ah ee cudurka, balse waxaa loo adeegandoonaa in kor loogu qaado xoojinta difaaca jirka  si  uu ula dagaalamo cudurka.

Machadka Caafimaadka Dadweynaha Itoobiya, ayaa sheegay in sedex kiis oo hor leh la xaqiijiyay, taasoo ka dhigeysa wadarta guud kiisaska labaatan iyo shan (25).