Al shabaab oo lix Qof ku dil Fagaaro ku Yaallo Degmada Bu’aale

Ururka Alshabaab ayaa xukun dil ah ku fuliyay lix ruux oo lagu eedeeyay inay u basaasayeen dowladaha Soomaaliya, kenya iyo Maraykanka.

Ururka Alshabaab ayaa dad badan isugu keenay goob fagaare ah oo ku taal degmada Bu’aale ee gobolka Jubbada Dhexe si ay u daawadaan fulina xukunkan.

Warbaahinta taageerta Alshabaab oo aan soo bandhigin magacyada raggan la toogtay ayaa baahisay in lagu helay dambi ah basaasnimo.

Al Shabaab ayaa sidaan oo kale dhowr mar oo hore deegaano iyo degmooyin ka tirsan Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya ugu toogtay dad ay ku eedeeyeen falal la xariira basaasnimo.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email